Barecabdi1

Barecabdi1
Barecabdi1

Thursday 5 January 2012

Dhacdadaan ayaa waxay dhax martay lamaane soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo ahmad iyo qamar iyadoo ay ka dhacday casimada 1aad ee wadanka south africa ee bititoria isla markaana qamar ayaa xiriir lasoo sameysay shbakada calamiga ah ee warsamegureey.blogspot.com iyadoo inooga warantay sidii ay wax u dhaceyn

waxaan ku dhashy magaalada caasimada ah ee muqdisho wax barashadeyda ayaa waxaa kusoo qaatay iskuulka al,massal oo ku yaala dagmada baaxada weyn ee madiina isla markaana waxaa magaalada muqdisho igu danbeysay 2005 tiii

markaana kasoo tagay magaalada muqdisho ayaa waxaan imid magaaladda nairobi ee dalka kenya iyadoo sanad kadib aan nasiib u yeeshay magalada biritoria ee dalka koonfur africa in aan imaado sanadkii 2008 ayaan waxaan biritoria ku bartay ahmad oo isna ka yimid magaalada bardheere ee gobolka gedo hase ahaatee waxaa ina dhaxmartay





xiriidh jaceyl deetana waxaan isku afgaranay sanadkii 2009kii inaan is guursano bacdamaa aanu noolasha isla fahanay




ahmad ayaa waxaa isla fahanay noolasha inaan si wanaagsan u wada qaybsano iyadoo uu ii ahaa nin aad igu wanaagsan
sidoo kale wuxuu ahaa nin gacan furan oo aan ahayn ragga soomalida oo kale




balse mushkilada ahmad ayaa waxay ahayd muusan dooneyn in uu i soo booqdo qof ehelkeyga ah xitaa musan ogoleyn inay i soo booqdaan gabdhaha aanu iskuulka nahay ama anuu isla ahaan jirnay lafihii hore




malin maalmaha kamid ah ayaa waxaa dhacdayhooyadey oo jogtay magaalada dardan ee isla wadankaan koonfur africa inay igu soo booqato gurigayga iyadoo dooneysay in muddo dhan todobaad ah ay ila joogto bacdamaa xilligii fasaxa lagu jiray




guriga aanu dagneyn ayaa ah hal qol oo barsad , jiko iyo masqul leh intii ay hooyadey ila joogtay ayaa doonayay inaan iyada qolka seexiyo aniga iyo ahmed aanu wada seexano ama aan ahmad hoteel dejiyo maxaa yeelay hooyadey waa qof waayeel ah oo iga timid gobol kale



ahmad ayaa waxaan ku idhi adigaa nin rag ah , ee macaane barsada anu seexanno hooyo waa qof weeyn oo wayeel ah amaba mcne adiga hoteel iska deg anaa lacagta bixinaayo hase ahaatee ahmad oo aan filanaayay hadal naxariis leh ayaa intuu intuu iga xanaaqay iska baxay



saddex maal-mood markaan waayay meel allaale iyo meesha uu ka dhacay marka aan ka wacana taleefankiisa gacantana uu diiday in uu iga qabto ayuu i soo wacay wuxuuna igu yiri naag xun oo aan diin dhaqan iyo edeb toona leh baa tahay waxaadna iga furan tahay laba dalaaqadood



waan u maleysan waayay hadalka uu ilee yahaywaxaan kaloo kasii naxay fariinta deg dega ah ee uu iiga naxsaday dhuulka oo dhan ayaa ila gariiray waxaan sameeyo ayaan garn waayay galabtii ayuu guriga yimid wuxuuna qaatay wixii dhar ah oo guriga u yaallay wuxuuna igu yiri ogow boqolaal naagood baa i jecel oo adiga kaa wanaagsan ee nabadeey



intaan iscelin waayay baan ku dhahay tagi meysid ee waad joogeysaa buuqii iyo sawaxankii inaga dhashay ayaa waxaa kusoo baxday hoyadeey iyada oo dooneysa waxa dhacay inay ogaato sidaas oo ay tahay hooyadey maanan u sheegin in uu i furay ahmad go,aan ku gaaray in uu isaga tago


hada dhacdadaan way i haysataa feysal aad baan u jeclahay mana aqaano waxaan sameeyo habeen kasta waan iska ooyaa iyadoo ay ii dheer tahay murugo iyo kurbo joogto ah


hadaba aqristiyaasha sharafta leh waxaan idinka ka doonaayaa inaad i soo siisaan tallo iyo tusaalaba


dhamaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaad



hadaad hayso dhacdooyin ama sheekooyin inoogu sooo gudbi ciwaankaan

barecabdi1@live.com

No comments:

Post a Comment